Waxaa xalay magaalada Wardheer ee gobolka Doollo, Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya lagu aasay Allaha u naxariistee Shukri Maxamuud Macallin Xasan oo u geeriyooday maqas calooshiisa looga dhex tagay.Shukri ayaa muddo toddobaad ah ku jiray Isbitaalka Takhasuska sare ee Sheekh Xasan Yabare ee magaalada Jigjiga ee isla Dowlad Deegaanka Soomaalida, halkaas oo looga sameeyay qalliin looga saarayay maqaska, sida uu BBC-da u sheegay wiilkiisa, Maxamed Shukri.”In muddo ah ayuu ka sheeganay killida uu maqasku xigay, wax baa iiga taagan oo i duraya ayuu dhihi jiray,” ayuu yiri Maxamed.Shukri oo 65 jir ahaa ayaa saddex bilood kahor isla isbitaalka Jigjiga looga sameeyay qalliin dhanka caloosha ah, kaddibna uu ku laabtay magaalada Wardheer oo uu ku noolaa.”Isbitaalka Wardheer ayaan geynay, waxba waa ka fahmi waayeen, kaddib ayaan ku celinnay isbitaalka Jigjiga,” ayuu yiri.Maxamed ayaa sheegay in markii maqaska lagu arkay kaddib la geliyay qalliin degdeg ah, balse uu u geeriyooday markii dambe.”Markii ay u sheegeen in calooshiisa maqas looga dhex tagay, aad ayuu u walaacay, qalliinka kaddibna marba marka ka dambeysa xaaladdiisa way kasii dareysay,” ayuu intaa raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here