Kal-fadhigii 5aad ee Golaha 6aad ee barlamaanka DDS ayaa saaka ka furmay hoolka shirarka ee Qaryaan dhoodaan.

Kal-fadhigan oo ay furtay afhayeenka golaha xildhibaanada DDS marwo Ayaan cabdi ayaa golaha lagu soo hordhigay ajandayaal kala duwan oo kala ah.

1 – Ansixinta hadal qoraaledkii kal-fadigii 4aad ee golaha
2- Dhagaysiga iyo ansixinta warbixinta waxqabadka xukuumada DDS ee S.M 2015 T.I
3 – Dhagaysiga iyo ansixinta warbixinta xafiiska golaha xildhibaanada ee S.M 2015 T.I
4- Dhagaysiga iyo ansixinta warbixinta maxkamada Guud ee DDS ee S.M 2015 T.I
5 – Dhagaysiga iyo ansixinta warbixinta hantidhawrka guud ee S.M 2015 T.I
6- Dhagaysiga iyo ansixinta warbixinta wakaalada warbaahinta ee S.M 2015 T.I
7- Ansixinta bayaanada kala duwan sida

  • 1 bayaanka meelmarinta miisaaniyada S.M 2016 T.I
    -2 bayaanka go’aaminta canshurta Exciska
    -3 bayaanka go’aaminta isticmaalka dhulka miyiga ah iyo waxsoosaarka beeraha
  • 4 bayaanka xadaynta iyo go’aaminta canshuurta iibka xoolaha iyo gunada dhaqashada xoolaha nool.

Golaha xildhibaanada ayaa soojeedinta ajandayaasha kadib si buuxda u ansixiyay in laga doodo ajandayaashan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here