Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir oo ka tirsan xisbiga Waddani ayaa berri kula tartamidoona jagada guddoomiyenimada golaha wakiiladda ee Somaliland Xildhibaanka kale ee Faratoon.Arrintan ayaa timi ka dib markii uu ka laabtay tartankaas Cali Xaamud Jibriil oo xisbiga waddani watay balse ka tirsanaa xisbiga Ucid.Cali Xaamud jibriil wali si rasmi ah uma shaacin in uu tartanka ka hadhay, balse warkan waxa xaqiijiyay saraakiil sare oo xisbiga waddani ah, kuwaas oo uu la wadaagay go’aankiisa.Xaamud ayaa saaka xoghayaha golaha u gudbiyay codsigiisa musharraxnimo, balse galabta go’aankan cusub qaatay.Cali oo aannu isku daynay in aannu afkiisa ka xaqiijino go’aankan danbe uu qaatay, waydiinana sababta isbadalka ku dhalisay ayaanay noo suurto-gelin.Waxase jirta in Cali uu wali yahay guddoomiyaha labaad ee golaha wakiilada, khasabna ay berri ku ahayd in uu jagadaas iska casilo si uu tartanka guddoomiyenimo ee berri dhacaya uga qayb-galo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here