Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres “si adag ayuu u cambaareeyay is bedelka sharci darrada ah ee dowladda Niger” ayuu yiri afhayeenkiisu Arbacadii.

Arrintan ayaa timid kadib markii ciidamada dalka Niger ay ka shaaciyeen inqilaabka afgambiga uu ka sameeyay Telefishinka dalkaasi, iyagoo sheegay inay u cuskadeen dastuurka dalkaasi, isla markaana ay shaqada ka joojiyeen dhamaan maamulada dalkaasi, isla markaana ay xireen xuduudaha dalkaasi.

Mr Guterres ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay xariga madaxweyne Mohamed Bazoum, uuna ka walaacsan yahay xaaladiisa caafimaad, afhayeenkiisa Stephane Dujarric ayaa war uu soo saaray ku sheegay.

Mr Dujarric ayaa intaa ku daray in “Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dhammaan dhaqdhaqaaqyada caqabada ku ah geedi socodka dimoqraadiyadda ee Niger.”

Wadooyinka magaalada Yamai ee dalka Niger, ayaa laga arki karaa is bedelka, iyadoo aysan jirin wax isu socod ah oo dadka iyo gaadiidka ah, tan iyo markii xalay lagu dhawaaqay inqilaabka ay ciidamadu sameeyeen.

Goor sii horreysay, ciidamada ammaanka ayaa xiray dhammaan waddooyinka soo gala madaxtooyada Yamai Arbacadii.

Maalmihii la soo dhaafay, wadamada Galbeedka Afrika waxaa ka taagnaa kacdoono militari.

Article share tools


Eeg siyaabo kale oo aad u wadaagi karto
La wadaag qodobkan
La wadaag
https://www.bbc.com/somali/live/war-66219667?ns_mchannel=social&ns_sour

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here