Shan iyo afartan xubnood oo la sheegay in ay la wareegi doonaan maamulka gobollada SSC isla markaana ka shaqeyn doona sidii loo dhisi lahaa maamul ay leeyihiin dadka deegaanka ayaa maanta lagu dhaariyay magaalada Laasacaanood.

Isimada ku sugan halkaa ayaa soo xulay xubnahan oo ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada isla markaana looga dambeyn doono arrimaha siyaasadda iyo maamulka.

Cabdiqaadir Abshir Xaji Diiriye oo kamid ah xubnaha maanta la dhaariyay oo la hadlay baarnaamijka Dunida iyo Maanta ee radadiyaha BBC Somali ayaa sida tan yiri ‘ waxaan u dhaarannay in bulshada kunool SSC khatumo ay diin iyo dalba aan daacad u ahaanno si ay u helaan xasillooni siyaasadeed.”

Mar la weydiiyay dadka la dhaariyay waxa ay yihiin ayaa wuxuu yi” Waa dad bulshada ka kooban aqoonyahanno, culumo uddiin iyo qurbo joogba leh dhalinyaro iyo noocyada bulshada ah.Awalba waynu shaqeyneynay haddana waan siiwadi doonaa iyo halgankii iyo in aan iska dul qaadno dhibta uu Musa Bixi nagu hayo[Madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed madax-banaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland] iyo rigiimkiisa dababdeedna nidaam iyo qorshe ula nimaadno deegaankayaga shirweynana u qabanno.”

Dagaal u dhexeeya xooggaga deegaanka iyo ciidamada jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland ayaa 6-dii February ee sanadkan ka bilowday magaalada, colaaddaas oo aan weli xal laga gaarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here