Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa daaha ka qaaday in dhammaan xulashooyinka, oo ay ku jiraan gorgortanka, “wax kala badelasho,” iyo xitaa isticmaalka xoogga, ay miiska saaran yihiin si ay Itoobiya u hesho dekad, oo aad u muhiim ugu ah istiraatijiyadda Itoobiya.

Isagoo ka hadlayay shir ay isugu yimaadeen maalgashadayaasha iyo ganacsatada Khamiistii hore ayuu Abiy ku nuux-nuux saday baahida degdega ah ee ay Itoobiya u qabto inay yeelato deked u gaar ah, isagoo tusaale u soo qaatay kharashaadka xad dhaafka ah ee aan joogtada ahayn ee la xiriira ku tiirsanaanta dekedaha dalalka deriska ah.

Talaabada ku wajahan helitaanka deked ay Itoobiya u madax bannaan tahay waxay ujeedadeedu tahay in la dhimo ku tiirsanaanta Itoobiya ee marinnada ganacsiga dibadda.

Si loo meel mariyo aragtidaas, dawladda Itoobiya waxay horeba u bilowday wada-xaajoodyo ay la yeelanayso deriska dekadaha leh, kuwaas oo kala ah Ereteriya, Jabuuti, iyo Somaliland, iyada oo rajaynaysa in ay hesho dariiq ay u marto dekad u madaxbanaan Itoobiya.

Soo jeedin aan caadi ahayn ayaa la horgeeyay Eritrea, iyadoo la siinayo saamiga boqolkiiba (30%) ee shirkadda diyaaradaha ee si ay ugala gorgortamaan dekad ay itoobiya hesho.

Haddaba su’aashu waxay tahay maadaama uu Raysalwasaare Abiy sheegay in xitaa xoog ay wax ku raadinayaan haddii laga fursan waayo, yey yihiin dalalka u nugul in xoog looga qaato bad ama dekad?

Itoobiya waxaa xad la leh lix dal oo shan ka mid ah ay leeyihiin bad iyo dekado, waxaa ka mid ah dalalkan Eritrea oo ay Itoobiya dagaalamayeen tan iyo 1998-kii, balse laga yaabo in aan xoog lagu dayin maadaama in danna wada dagaalamayeen haddana uu ka dhex jiro heshiis nabadeed maadaama ay Itoobiya go’aansatay in ay soo afjarto dagaalka sannadkii 2018.

Dhanka kale Kenya oo ka mid ah dalalka badda leh isla markaana xadka la leh Itoobiya ayaa ah dal dhisan isla markaana si joogta ah ay u wada shaqaynayaan hay’adihiisa dawladeed waxayna ka tirsan tahay ururka bariga Afrika taas oo awood u yeelaysa inkasta oo dal ahaan ay ka hooseyso Itoobiya dhanka awoodda milatari.

Jabuuti waa dal yar marka la eego, dhulka, dadka, dhaqaalaha iyo awoodda milatari, siiba marka la barbar dhigo Itoobiya oo ka mid ah dalalka ugu awoodda badan qaaradda Afrika.

hase yeeshee Jabuuti waxay heshiisyo amni kula jirtaa dalal ka mid ah kuwa quwadaha waaweyn ee caalamka, waxaana saldhigyo ciidan ku leh dalal ay ka mid yihiin Maraykanka, Shiinaha iyo Faransiiska sidaas darteed iyadana looma malaynayo in Itoobiya ay awood u adeegsanayso dalkan yar si ay uga hesho dekad.

Sudaan oo dhacda dhanka galbeed ee Itoobiya isla markaana saaran badda cas ayaa halkaas dekad ku leh. Inkasta oo dalkani sannadkan ku jiro kaalinta 75-aad ee awoodda millatari ee dsalalka Caalamka, hadana waxaa ka socda colaad sokeeye oo u dhaxaysa ciidamo kawada tirsan kuwa dalkaasi, waxaana socda dedaallo wada hadal loogu raadinayo dhinacyada isku haya.

Soomaaliya oo iyaduua ah dal kale oo Itoobiya la leh xad ballaaran isla markaana ku faanta xeebta ugu dheer ee dhulweynaha Afrika ayaa ah meel ay Itoobiya isha ku hayso, iyada oo ay jireen isku dayo heshiis oo ay Itoobiya isku dayday in ay la yeelato maamulka iskiis ugu dhawaaqay madaxbanaanidiisa ee Somaliland oo ay qaramada midoobey u aqoonsan tahay qayb ka mid ah Soomaaliya.

Haddaba waxaan isbarbardhig ku samaynaynaa awoodda millatari ee Itoobiya iyo labadan dal ee kala ah Soomaaliya iyo Suudaan.

Awoodda milatari ee Soomaaliya
Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Soomaaliya qiyaas ahaan waa 12,368,248.

Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 2,848,837 ruux, oo u dhigma 24.0%, oo ka mid ah shacabka guud.

1,709,302 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.

Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 123,862 qof.

Tirada ciidanka milatariga Soomaaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 17,500 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Soomaaliya.

woodda Ciidamada Dhulka – Soomaaliya

Wargeyska ayaa sannadkan qoray in Soomaaliya aysan heysanin taangiyo u diyaarsan.

Hase yeeshee waxa uu xaqiijiyay in Soomaaliya ay haysato 65 oo ah gawaarida gaashaaman.

Soomaaliya ma laha madaafiicda iskood isu haga ah.

Awoodda Ciidamada Badda – Soomaaliya

Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Soomaaliya guud ahaan waxaa lagu sheegay 3, halka tirada ciidamada baddana uu wargeyska ku sheegay inay gaarayaan ilaa 300.

11 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah.

Soomaaliya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burbirya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baadha.

Awoodda Ciidanka Cirka – Soomaaliya

Soomaaliya xilligan ma laha awood dhinaca ciidanka cirka ah, sida uu xogtiisa kusoo bandhigay wargeyska sanad kasta qiimeeya awoodda milatari ee wadamada caalamka. Hase yeeshee tirada ciidamada cirka ayuu wargeyka ku sheegay inay tiro ahaan yihiin 300 oo askari.

Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Soomaaliya

Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Soomaaliya waa $63,934,000 oo doolar.

Awoodda ay Soomaaliya u leedahay inay sare ugu qaaddo awoodeeda militari ayaa lagu qiyaasay 13, 190,000,000 oo doolarka Mareykanka ah.

Deynta dibadda waa 5, 300,000,000 halka sannadkii hore ay ka ahayd.

Muhiimadda Juqraafi ahaan – Soomaaliya

Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 637,657 km.

Dhulka xeebta ku teedsan waa 3,025 km.

Xuduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 2,385 km.

Soomaaliya ma laha marin biyoodyo la isticmaali karo.

Awoodda milatari ee Itoobiya
Itoobiya waxay ka mid tahay shanta waddan ee ugu awoodda badan qaaradda Afrika, marka laga soo tago waddamada kaalmaha ka horreeya ku jira ee Afrika, oo kala ah 1- Masar, 2-Algeria, 3-South Africa, iyo 4-Nigeria.

Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Itoobiya qiyaas ahaan waa 113,656,596.

Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 54,555,166 ruux, oo u dhigma 48%, oo ka mid ah shacabka guud.

33,869,666 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.

Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 1,989,698 qof.

Tirada ciidanka milatariga Itoobiya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 150,000 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Itoobiya.

Awoodda Ciidanka Cirka – Itoobiya

Awoodda ciidanka cirka ee Itoobiya waa 89.

Itoobiya waxay leedahay:

23 diyaaradaha dagaalka ah.

9 saanadda kala gudbiya.

26 loogu talagalay tababarka.

31 diyaaradaha qumaatiga u kaca ah.

6 diyaaradaha qumaatiga u kaca ee weerarrada fuliya ah.

Itoobiya ma laha diyaarado loogu talagalay howlgallada khaaska ah.

Awoodda Ciidamada Dhulka – Itoobiya

468 taangi.

6,240 gawaadhida gaashaaman.

100 madaafiicda iskood isku haga.

319 madaafiicda la jiido ah.

183 qalabka lagu rido gantaallada ah.

Awoodda Ciidamada Badda – Itoobiya

Itoobiya ma laha awood dhinaca ciidanka badda ah, sida uu xogtiisa kusoo bandhigay wargeyska sanad kasta qiimeeya awoodda milatari ee wadamada caalamka.

Taasi waxay ka dhigan tahay in Itoobiya aysan lahayn ciidan kuwa badda ah iyo maraakiib toona.

Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Itoobiya

Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Itoobiya waa $358,000,000 oo doolar.

Deynta dibadda waa $30,000,000,000.

Muhiimadda Juqraafi ahaan – Itoobiya

Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 1,104,300 km.

Itoobiya ma laha dhul ku teedsan xeeb.

Xuduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 5,925 km.

Marin biyoodyada la isticmaali karo waa 104,300 km.

Awooda Milatari ee Eritrea
Sanadkaan 2023, ciidamada Eritrea waxay ku jiraan kaalinta 113 aad sida ay daabacday GBF.

Tirada guud ee ciidamada milatariga ee Eritrea ayaa ah 321,750 oo askari, balse 201,750 oo kaliyaha ayaa ah ciidamada shaqada ku jira inta kale ayaa ah ku kayd ah.

Guud ahaan ciidamada eritrea ayaa u badan milatari, mana lahan boliiska u tababaran sida milatariga ee wadamo badan oo Afrikaan ah leeyihiin.

Ciidamadda Badda

Ciidanka badda ee Eritrea ayaa ah in ka badan 1,400 oo askari oo heegan ku jira.

Ciidmadaan ayaa haysta ilaa 18 toban doomaha lagu qaado ciidamada ee roondoontinka iyo hawlgalada ka dhex fuliya gudaha badda.

Dhanka kale Eritrea ayaa haysan gaadiidka kale ee lagu qiimeeyo awoodaha ciidamada badda ee wadamada sida; Xambaaraha diyaaradha, maraakinta quusta, iyo kuwa kale ee loo yaqaano frigates iyo corvettes.

Ciidmada Cirka

Eritrea ayaa leh ciidamo cir oo gaaraya 800 oo askaro.

Ciidamadaan ayaa guud ahaan haysta 33 diyaardood oo kal ah; 8 diyaaradha dagaalka ah, 13 helicopter, shan diyaaradood oo kuwa xamuulka qaada ah iyo 7 diyaaradood oo kaydka ku jira loona isticmaalo tababaro

Awoodda Milatari ee Djibouti
Sida uu qoray bangiga dunida Djibouti ayaa leh ciidamo wadartooda guud ay gaareyso 13,000 oo askari. 10,450 kamid ah ciidamadaas ayaa ah kuwa heeganka ah ee shaqada ku jira, inta kale ayaa ah ciidamdo kayd ah.

Ciidamadda Badda

Djibouti ayaa leh ciidamo vad oo gaaraya 1,500 oo askari oo heegan ku jira.

Ciidmadaan ayaa haysta 29 gaadiidka badda ah oo isugu jira xambarayaal iyo kuwa dagaal.

Ciidamada Cirka

Djibouti ayaa leh ciidmada cirka 00 gaaraya ilaa 200 iyaga oo haysta diyaaradha dagaalka iyo kuwa kale oo xamuulka u qaada oo guud ahaan gaaraya todoba diyaaradood.

Guud ahaan ciidmada Djibouti ee ku sugan gudaha waddanka ayaa hawlgaladooda ugu badan ka sameeya xuduudaha maadamaa uu waddanku yahay mid amni ahaan xasiloon, iyaga oo la dagaalama dadka sharci darrada ku soo gala dalkooda ee tahriibayaasha ah.

Dhanka kale Djibouti ayaa waxa ku yaalla saldhigyada ugu badan ee quwadaha waawayn ee caalamku ku leeyihiin AFrika, maadaama ay u dhawdaha marinka istaraatiijiga ah ee Baab al-Mandab.

Awoodda Milatari ee Suudaan
Suudaan waxay ku jirtaa 10-ka waddan ee ugu awoodda badan Qaaradda Afrika, liiskaas oo ay ku jiraan ilaa 35 dal.

Sida lagu sheegay xogta Global Firepower, shacabka Suudaan guud ahaan tiradoodu waa 45,561,556 qof.

Dadka awoodda u leh in ay ciidanka milatariga qaranka ku biiraan tiradoodu waa 24,147,625. Tiradaas waxay u dhigantaa 53.0% ka mid ah shacabka guud, waxayna xoogaa ka badan tahay kalabar.

Taas micnaheedu waa in dadweynaha Suudaan in ka badan kala bar ay gali karaan milatariga waddankooda.

Dadka sida ugu dhakhsiyaha badan ugu diyaarsan inay ku biiraan ciidanka tiradoodu waa 15,454,480. Sanad walba tirada shacabka Suudaan ee da’da milatariga loogu biiri karo gaara waa 1,205,449.

Sanadkan 2021-ka tirada ciidanka dalka Suudaan waa 190,000 oo askari. 105,000 oo askari ayaa si toos ah u shao taga oo howlgal sameyn kara. 85,000 oo askari ayaa keyd u ah milatariga dalka Suudaan. 20,000 oo askarina waa booliska sida milatariga u tababaran.

Awoodda ciidamada cirka – Sudan

Suudaan waxay leedahay 45 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah. 38 ka mid ah diyaaradahaas waxay gaar u yihiin dhinaca fulinta weerarrada. 22 diyaaradoodna waxay qaadaan saanadda milatariga, gaadiid ahaanna way u isticmaalaan ciidanka.

12 diyaaradood ayey milatariga Suudaan u adeegsadaan dhinaca tababarrada. Diyaaradaha qymaatiga u kaca ee loo yaqaanno Helicopters Suudaan waxay heysataa 73. 43 ka mid ah diyaaradahaasna waa kuwa weerarrada qaada.

Awoodda ciidanka dhulka

Milatariga Suudaan waxay leeyihiin 830 taangi. 450 gawaarida gaashaaman ah iyo 10 gantaal oo nooca iskood u istaaga ah.

Dhanka ciidamada badda, Suudaan waxay leedahay 18 markab oo 10 ka mid ah ay roondo ama kormeer ku sameeyaan biyaha waddankaas iyo xuduudaha badda ee uu la wadaago dalalka kale.

Dalka Suudaan wuxuu soo saaraa saliid sanad walba lagu qiyaasay 95,000 oo barmiil. Hase ahaatee isla dalkaas waxaa sanadkiiba laga isticmaalaa saliid dhan 96,000 oo barmiil.

Waxaase xusid mudan in Suudaan laga helay keyd saliid ah oo dhan 5,000,000,000 barmiil.

Miisaaniyadda sanadlaha ah ee ay Suudaan ku bixiso dhinaca difaaca waa $4,000,000,000 doolar. Deynta uu waddanka dibadda kasoo qaato waa $56,050,000,000.

Juqraafi ahaa, Suudaan dhulka ay leedahay waa 1,861,484 km. Xeebta Suudaan dhererkeeda waa 853 km. Xuduudda ay dalalka dariska la ah la wadaagto waa 6,819 km. Marin biyoodka la isticmaali karo ee ay Suudaan leedahay waa 1,723 km.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here