Xisbiga Barwaaqo ayaa qiimeeyay natiijooyinka kormeerka hogaaminta sare ee dowladda dhexe ay kusoomareen deegaanada iyo ismaamul Magaaloyinka Dalka.

Madaxwayne kuxigeenka Xisbiga Barwaaqo ahna Madaxa Xafiiska Guud ee Xisbiga Mudane aadan faarax ayaa Qiimeeyay natiijooyinka kasoo baxay kormeerkii ay Hogaaminta sare ee dowladda federaalku ay mudada 10ka maalmood ah kormeer kusoomareen 10 dowlad deegaan iyo 2da ismaamul Magaalo iyadoo si qoto dheer looga wada hadlay waxyaabihii ugu muhiimsanaa deegaanada lagu soo arkay.

Sidookale, kulankan oo ka dhacday xafiiska raysal wasaaraha ayaa waxay kooxda hogaaminta ee socdaalka ku soo maray dhamaan deegaanada dalka marka laga reebo deegaanka Tigray waxa ay ku soo bandhigeen waaya aragnimada iyo waxyaabihi ay la soo kulmeen mudadii ay kormeerka kuguda jireen.

Geesta kale Xubnaha Hogaaminta sare ayaa sheegay inay kormeerka iyo indha indhaynta ay kusoo eegeen dhammaan howlaha Samafalka xagaaga, dhaxal reebka cagaaran, Barnaamijka horumarinta kaladuwan, waxsoosaarka beeraha ee xagaaga, dadaalada horumarinta Jiilka, dakhli ururinta dowladda, waxqabadka dhoofinta, shaqo-abuurka iyo dhimista qiimaha maciishada, dhaqdhaqaaqa waxbarashada, tayaynta hogaaminta iyo dib-u-habaynta laamaha amniga.

Madaxwayne kuxigeenka Xisbiga Barwaaqo ahna Madaxa Xafiiska Guud ee Xisbiga Mudane aadan faarax oo Madashan Hogaaminayay, ayaa sheegay in ujeedada kormeerka iyo taakulaynta hogaamintu ay ahayd sidii loo ogaan lahaa heerka shaqa kasta ay marayso iyo waliba sidii loo heli lahaa habkii loo buuxin lahaa gol-duleelada Kajira, howlaha kudayashada Muddanna loobalaadhin lahaa.

Waxa uu sidoo kale Madaxwayne kuxigeenku sheegay in kormeerkani ahmiyad wayn uleeyahay isku xidhka dowladda Federaalka, dowlad deegaanada iyo ismaamul Magaalooyinka.

Dhanka kale Kooxda Kormeerka iyo taakulaynta ayaa xaqiijisay in dhammaan qeybaha kala duwan ee deegaanada dalka uu bar bilow wanaagsan ka jiro.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa Madashan la iskula qaatay in baahida muwaadiniinta iyo baaxadda awooda wadanka la isku dheelitiro iyadoo tayada waxsoosaarka iyo adeegyada la kobcinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here