Ethiopia

Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga iyo Is-dhexgalka Gobolka ee Itoobiya, Gebremeskel Chala, ayaa hadda wada-hadallo uga socda xarunta Ururka Ganacsiga Adduunka ee WTO oo ku taalla magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Wafdiga ayaa wadahadalo la yeelanaya mas’uuliyiinta ugu muhiimsan WTO iyo sidoo kale wakiilo ka socda dalalka la soo xulay iyo saaxiibada horumarinta.

Booqashadan ayaa astaan muhiim ah u ah dadaalka dib u cusboonaysiinta ee Itoobiya ee ku biirista WTO, iyadoo wada xaajoodyada ku biiritaanka ay dib u bilowdeen Janaayo 2020 ka dib siddeed sano oo hakad ah. In kasta oo horumarku uu ahaa mid gaabis ah tan iyo markaas, sannadkan waxa la arkay kor u kac weyn oo xawli ah iyada oo la sameeyay siyaasado muhiim ah iyo qaab-dhismeedka sharciyeed.

Iyada oo wadanku dadaal ugu jiro sidii uu uga mid noqon lahaa ururka ganacsiga ee ugu weyn oo ka kooban 164 wadan oo xubnaha ka ah, waftiga Itoobiya ayaa ujeedadoodu tahay in ay dardar galiyaan nidaamka ku biiritaanka iyo daah-furka himilooyinka cusub ee kobaca dhaqaale.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here