Kooxda kubadda cagta Al-Ettifaq ayaa soo bandhigtay kabtankii hore ee Liverpool ee Jordan Henderson oo si rasmi ah heshiis ugu saxeexaya, waxaana uu qalinka ku duugay qandaraas saddex sannadood ah oo soo afjaray muddo 12 sannadood ah oo uu ka ciyaarayay Anfield.



Liverpool ayaa mar dhoweyd soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegtay, in Kabtankeedii Jordan Henderson uu u wareegay Al-Ettifaq oo uu heshiis u saxeexay, waxaanay kooxdu u rajaysay wanaag iyo nasiib fiican.


Al-Ettifaq ayaa waxay dhinaceeda ka sheegtay, in 33 jirkan reer England ay £13 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Liverpool, isla markaana uu u saxeexay heshiis saddex sannadood ah oo uu toddobadkii mushahar ugu qaadanayo £700,000 Gini.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here