Wafti uu hogaaminayo Madaxweyne kuxigeenka DDS ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Cariga Maraykanka.

Ujeedada socdaalka ee waftigan heer deegaan ayaa daaran la kulanka Qurbajoogta u dhalatay DDS tasoo warbixin laga siin doona xaalada guud ee deegaanka iyo tan dalka, intii uu isbadalku ka dhacay ee dhinacyada: hormarka, nabadgalyada, xasiloonida siyaasadeed, iyo isbadalka dhaqaale ee deegaanka.

Waxaa sidoo kale kulamadan lagu soo bandhigi doonaa fursadaha maalgashi ee kajira degaanka inay qurbajoogtu maalgashadaan dhulkooda taasoo kaalin muhiim ah ka qaadan doonta koriinka hay’adaha rayidka ah.

Waftiga ayaa ku sugnaandoona wadankaasi mudo labo todobaad ah, oo ay hawlahooda shaqo ku soo idlayn doonaan mudadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here