Ururka wadamada Galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaa maanta oo Axada u qabtay muddo todobaad ah hogaamiyayaasha milatariga Niger inay xukunka ku soo celiyaan, madaxweynihii ay afgambiyeen ee Mohammed Bazoum, haddii kale ay wajihi doonaan cunaqabatayn iyo suurta gal nimada in xoog la isticmaalo.

Hogaamiyayaasha gobolka oo ku shirsan caasimadda Nigeria ee Abuja ayaa sheegay in ciqaabta ka dhanka ah saraakiisha afgambiga Niger ay ku jiri karto xayiraad dhaqaale iyo cunaqabatayn xagga safarka ah, iyo dhul ka caagan duulimaadyada.

Sidoo kale tallaabo milatari ayaa suurta gal ah, taliyayaasha ciidamada ECOWAS ayaa si degdeg ah u kulmi doona, sida ay ku sheegeen war murtiyeedka, waxay kaloo cambaareeyeen taageerada kooxda afgambiga uga timid wadamo shisheeye iyo qandaraas layaal milatari.

Afgambiga ka dhacay Niger waxa si balaaran u cambaareeyay wadamada dariska ah, iyo saaxiibada caalamiga ah oo ay ku jiraan Maraykanka, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo dalkii horey u gumeysan jiray ee Faransiiska.

Laakiin ninka madaxda u ah kooxda calooshood u shaqaystayaasha gaarka ah ee Wagner Yevgeny Prigozhin ayaa ku tilmaamay warka afgambiga mid wanaagsan, wuxuuna u soo bandhigay taageerada ciidankiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here